Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib u dhacday iyo Sababta keentay

Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo kuxigeenkiisa oo lagu waday in beri oo khamiis ah ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb ayaa dib u dhac ku yimid sida ay noo xaqiijiyeen Guddiga doorashada Galmudug.

Xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi (Khamsa) oo kamid ah Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Shabakada Allbanaadir u xaqiijiyay in doorashada dib u dhacday , waxa uuna tilmaamay in doorashada ay dhaceyso maalinta Axada oo ku beegan 2-da Febraayo.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in sababaha doorashada dib loogu dhigay ay tahay codsi ka yimid musharaxiinta diiwaan gashan oo guddiga ka codsaday in waqti dheeraad ah loogu daro xiliga doorashada.

Xildhibaan Khamsa ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaalo iyo wadahadalo lagu doonayo in xal looga gaaro tabashooyinka meelaha qaar ka imaanaya , waxa uuna xusay in rajo weyn ka qabaan in doorasho loo dhan yahay ka dhacdo Galmudug.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa horey loo shaaciyay in ay dhaceyso 30-ka bishan oo ku beegan beri oo khamiis ah , waxaana dib u dhacan uu imaanayaa xili kooxda Ahlu Sunna Madaxweyne ku doorteen maanta Dhuusomareeb.

 

Related posts

(Sawirro) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

Caydiid Ali

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

Cabdi Cade

Duqeyn lagu dilay dad iyo boqolaal neef oo Geel ah oo ka dhacday Deegaanka Mellit

Cabdi Cade
Taboola Ads ---