Diiwaan galinta musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa kasoo xarootay lacag badan oon la shaacin wali waxa lagu qabanayo iyo cida maamuleysa.
Guddiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ee la doortay iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa lacago ku xiray Musharaxiinta kala duwan ee xilalka sare ee Galmudug u tartamaya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo labadiisa kuxigeen oo ay isku soo sharaxeen ilaa 7-musharax ayaa waxaa kasoo xarootay lacag gaareysa 45-Kun oo Dollar , lacagtaas oo lagu shubay akoon .
Waxaa sidoo kale Diiwaan galinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo kuxigeenkiisa oo gaaraya ilaa 9-musharax kasoo xarootay lacag gaareysa 130-Kun oo Dollar .
Guud ahaan Diiwaan galinta musharaxiintii gudoonka Baarlamaanka iyo kuwa hada u taagan Madaxweynaha iyo kuxigeenmkiisa ayaa waxaa kasoo xarootay lacag gaareysa 175-kun oo Dollar.
Lacagahan kasoo xarootay diiwaan galinta ee lagu shubay akoon loo sameeyay ayaan wali la shaacin cida maamuleysa iyo waxa lagu qabanayo, lmana oga in lacagtan durba la isticmaalay iyo in wali akuunadii lagu dhubay ku jiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com