Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Mustafa Sahin Firad (Sawirro)

Xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) uu kula qaatay wafdi uu horkacayay madaxa hey’ada bisha Cas rr Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyadoo arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan quudinta dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yar waxaa sidoo kale waxyaabihii kulankani looga hadlay ka mid ahaa xoojinta howlaha kor loogu qaadayo bilic soo celinta caasimadda.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay madaxa hey’ada bisha Cas ee Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad isagoo sheegay in hey’adu ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada arimaha xalka waaro loogu gaarayo barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla meel dhigeen madaxada bisha Cas ee dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu sameeyay Jabhado Hubeesan

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca oo kormeer ugu tagay Ciidamo katirsan Kumaandooska dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo Ukraine ku duqeeyey dayuurada TU-95

Caydiid Ali
Taboola Ads ---