Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay, kana tacsiyadeeyey geerida Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ka qaatay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda al-shabaab ee ku kacsan dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacadda Benaadir oo Deeq waxbarasho u fidisay Macalimiinta dugsiyada dalka qaarkood (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan shiikh oo dhambaal u diray Dhaxal sugaha Sacuudiga

Caydiid Ali

Digniino laga soo saaray Shir ay yeesheen Wasiirada Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---