Allbanaadir.com
NEWS

Bandhiga Todobaadka Injineerka oo ka furmay Xarunta Jaamacadda Benadir (Daawo Sawirro)

Bandhig cusub oo la magac baxay (Usbuuca Injineerka) ayaa shalay ka furmay xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Waxaa bandhigan soo agaasimay Kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Banaadir, iyadoo barnaamijkan oo ahaa mid aad xiiso badan ay ka qeyb qaateen qaar ka mid ah ardayda kuliyaddan oo soo bandhigay agabyo kala duwan oo hal abuurkooda ay ku sameeyeen, iyagoo kaashanaya aqoontii ay barteen.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jaamacadda Benadir, aqoonyahano, qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadii furitaanka Usbuuca Injineerka.

Hormuudka kuliyadda Handasada iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Benadir Ing. C/risaaq Cali Caseyr ayaa sheegay in muhimada iyo ujeedada ay ka leeyihiin barnaamijkan ay tahay sidii ardayda ay u soo bandhigi lahayeen hal abuurkooda aqooneed, isla markaana bulshada loo dareensiin lahaa waxa ay tahay Maadada Ingineerinka oo uu xusay in dadka badankood aysan aad u fahamsaneyn aqoonta ay ka turjumeyso iyo baahida loo qabo.

“Barnaamijkan usbuuca Injineerka waxaa uu ka dhashay aragtida guud ee masuuliyiinta Jaamacada Banaadir, waxaana  sanadkii hore la qorsheeyey in Jaamacaddu ay dib u habeyn isku sameyso, lana bilaabo in ardayda la siiyo fursado ay ku soo bandhigaan hal abuurkooda, haddaba qeybta injineerinka iyadoo ka duuleysa aragtidaas ayey soo qaban-qaabisay bandhigan oo aan rajaynayo inuu sanadle noqdo” ayuu yiri Ing. Caseyr oo u mahad celiyey Maamulka Jaamacadda Benadir iyo dhamaan intii gacanta ka geysatay qaban-qaabada barnaamijkan oo uu xusay in todobaadka uu socdo maalin walba lagu casuumi doono ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee dalka si ay fikrad guud uga qaataan Ingineerinka.

Guddoomiyaha Jaamacada Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii Munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka Usbuuca Injineerka ee ay soo agaasintay Kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada ee Jaamacada Benadir, isagoo dhinaca kale ka waramay Muhimada injineerinka iyo faaiidooyinka laga dhaxlo barashadiisa.

“Handasada ama Injineerinka waa aabaha cilmiga kale oo dhan, dagaaladii sokeeye ka dibna kuliyaddan waa tii ugu horeysay nooceeda ah ee dalka laga furo, waxaa ka qelin jebinaya sanadkan dufcadii 9aad, shan dufcadood oo kalena waxbarashada ayaa u socota, injineeradii horey nooga qelin jebiyey wadanka oo dhan ayey ka shaqeeyaan dhismayaal waaweyn ayey qaarkood hirgeliyeen, qaar kalena Jaamacaddo ku yaalla adduunka ayey waxbarasho kale u doonteen” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo bogaadiyey ardayda barnaamijkan ku soo bandhigay hal abuurkooda aqooneed, isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dedaalkooda.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan hadalo isugu jiray soo dhoweyn iyo dhiirigelin ka jeediyey xubno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen hormuudka kuliyadda Geo-Science ee Jaamacadda Benadir Ing. C/qaadir Abiikar, Guddoomiyaha Midowga ardayda kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada Ing. Cali C/qaadir Cali, Guddoomiyaha Midowga ardayda Jaamacada Benadir Ing. C/salaan Yuusuf Cabdulle iyo xubno kale.

Waxyaabaha xiisaha leh ee ardaydu ku soo bandhigeen barnaamijka Usbuuca Injineerka ayaa waxaa ka mid ahaa, Bridgyo ama buundooyin loogu talo in lagu fududeeyo jidadka mashquulka badan sida isgoyska Zoope, waxaa kale oo ardaydu soo bandhigeen robot soconaya oo aan dhaafeynin halka loo calaamadeeyey, Sollar system loo isticmaalayo waraabka beeraha, si loo baajiyo shidaalka fara badan ee Matoorada, Disegn-ka taaladii Xaawo Taako oo dhameystiran,  qalab ka digaya fatahaada webiyada iyo daadadka iyo waxyaabo kale oo aad xiise badan.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa lagu so bandhigay riwaayad kooban oo la magac baxday (Dhiso dalkaaga, asaagaa waxba kuma dhaamee) taasoo ay jilayeen qaar ka mid ah ardayda kuliyadda Injineerinka, kana turjumeysay baahida loo qabo dib u dhiska dalka iyo sidii loola tartami lahaa horumarka ay gaareen dalalka caalamka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Somalia oo shan qodobo ku soo rogtay doorashada Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

Booliiska oo ugu baaqday dadka Muqdisho ee degan guryaha dowladda in ay…

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Dhuusamareeb, labo qodobna balan-qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---