Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah dalalka Somalia la deriska ah oo lagu arkay dad qaba Viruska Corona

Afar qof oo Itoobiyaan ah ayaa la karantiilay ka dib markii laga shakiyey inay qabaan Viruska coronavirus ee ka dilaacay shiinaha kuna baahaya meelo ka mid ah caalamka.

Afarta qof ayaa ahaa Ardey ka timid jaamacad ku taala magaalada Wuhan oo ah meesha uu xanuunkani aadka u saameeyey, kana bilowday.

Wasaarada Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in ardaydan lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurkan, ayna wadaan baaritaan lagu hubinayo iney qabaan viruska keena cudurkan.

Tirada dadka cudurkan ugu dhintay dalka shiinaha ayaa la sheegay inay hadda 106 qof gaartay, iyadoo dad ka badan 1770 lagu arkay xanuunka.

Culimada sayniska ee dalka shiinaha ayaa wada dadaalo ay ku raadinayaan macluumaad dheeraad oo ku saabsan fayraska Corono.

Dawlada ayaa go’doomisay magaalooyinka qaar, iyadoo la karantiilay, dad ka badan 50 milyan, si loo xakameeyo faafitaanka fayraskan oo la aaminsan yahay inuu ka yimaado xayawaanka duur joogta.

Sidoo kale waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee iskaga kala goosha masaafooyinka dhaadheer,si uuna ugu gudbin gobolada kale.

Dad qaba Viriskan ayaa sidoo kale lagu arkay qaar ka mid ah, dalalka Asia, Yurub iyo Woqooyiga Amerika, iyadoo saraakiisha caafimaadku ay sheegayaan, in subax kasta la arkayo dad uu si cusub ugu dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Senatarada dhegeysanaya dacwada xil ka qaadista Trump oo arrimo yaab leh ku kacay

Caydiid Ali

Haweeney Soomaaliyeed oo halis ku noqotay amniga dalka Norwey oo lasoo musaafuriyay

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---