Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay diyaarineyso Liis cusub oo Xildhibaano ah oo ay doonayaan in ay doortaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne.
Ahlu Sunna oo qaadacday doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee la filayo in khamiista ka dhacdo magaalasa Dhuusomareeb ayaa dooneysa in doorasho kale ku qabato magaalada Dhuusomareeb.
Sida aan wararka ku heleyno Ahlu Sunna ayaa hada ku mashquulsan qorista Xildhibaano ay sheegeen in uu noqonayaan Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna xildhibaanadan u badan yihiin kuwii horey Ahlu Sunna u magacawday xiligii ay ku biirayeen Maamulkii Xaaf.
Xerada Inji ay degan yihiin Hogaanka Ahlu Sunna ayaa waxaa ka socda shirar kooxdaasi uga arinsanayaan xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka ay sameesanayaan, waxaana hada kooxdaasi la sheegay in ay diyaariyeen liiska Xildhibaano.
Arintan ayaa kusoo aadeysa xili magaalada Dhuusomareeb lagu wado in Khamiista ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana labadaasi xil isku soo sharaxay ilaa 9 Musharax.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com