Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Khasaaro geestay oo Xalay ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka Xasilinta ka sameesteen Xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta Nabada, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dhimasho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in fariisin shalay ciidanka Xasilinta ka sameesteen xaafada Xamar Jadiid lagu soo weeraray bambaanooyin iyo rasaas , waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay askari katirsan ciidanka Xasilinta iyo qof shacab ah, waxaana baxsaday sida ana wararka ku helnay ragii hubeesnaa ee weerarka geestay.

Ciidamo hor leh oo katirsan Xasilinta ayaa gaaray fariisinka ciidanka ee la weeraray, waxa ayna ciidanka halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin sida dadka deegaanka ku warameen.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe ku yaraa weerarada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidanka dowlada, waxaana weerarkan uu imaanaya xili ciidanka Xasilinta ay fariisimo cusub ku sameesanayaan hareeraha laamiga Warshadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdooyin taariikhi ah oo laga diiwaan-geliyay Marti galintii Qatar ee Koobka Adduunka

Cabdi Cade

Dabaaldeg weyn oo maanta Muqdisho lagu qabanayo iyo wadooyinka qaar oo la xiray

Caydiid Ali

Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Kuliyadda cusub ee Siyaasadda & Xiriirka caalamiga ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---