Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Qoor-qoor oo la siiyey shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa diiwaan-geliyay musharax Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Musharaxan oo u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa guddigu waxay siiyeen shahaadada Musharaxnimo ka dib markii uu soo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa ah musharaxa ugu cad cad ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, waxaana la aaminsan yahay inuu taageero weyn ka heysto dowlada Somalia.

Qoor-qoor ayaa noqonaya musharaxii sedexaad ee isku diiwaan geliya xilka Madaxweynaha Galmudug, Waxayna arintan ku soo aaday xili musharaxiin kale oo u taagnaa doorashada madaxweynaha Galmudug ay shaaciyeen iney ka baxeen tartanka ka dib markii ahlu suna ay khilaaf cusub ka abuurtay doorashada kaasoo aan weli xal loo helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo Digniin adag u dirtay Odayaasha kunool deegaanada maamulka ka taliyo

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ansixiyay Miisaaniyad u gaar ah Sanadka 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---