Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay sababtii ay u dileen Nabadoon C/risaaq Sheebal

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dil xalay xaafada Gubta ee degmada Dayniile loogu geestay Nabadoon C/risaaq Yuusuf Siicow (Sheebal) oo kamid ahaa Waxgaradka Muqdisho.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay C/Risaaq Sheebaal uu la shaqeyn jirtay Sidoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da , waxa ayna ku eedeeyeen in uu gacan ka geestay culimo Mareykanka loo gacan galiyay xiligii Hogaamiye kooxeedka.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Sheebal oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Nabadoonka ayaa xalay la dilay xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday, waxa ayna eheladiisa sheegeen in xiligan uusan ku lug laheyn wax siyaasad uuna ahaa shaqsi iskiis u shaqeesta kana mid ahaa Nabadoonada beeshiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Muqdisho oo hadal haya Hanjabaadii adkeyd ee kasoo yeertay Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Maxaa xiisa beeliyay Doorashada Madaxweynaha & ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle(Xog rasmi ah)

admin

Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---