Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay magaalada …

Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa lagu qaaday dhismaha Safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq, waxaana lasoo warinayaa in weerarkan uu khasaaro ka dhashay.

Wakaalada wararka caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa tabiyay in sadex madfac lagu weeraray dhismaha Safaarada, waxaana mid kamid ah madaafiicdaasi uu ku dhacay maqaayad kutaala gudaha Safaarada halka labada kalana ku dhaceen meel u dhaw.

Sida ay baahisay wakaalada Wararka Reuters madfaca ku dhacay gudaha Safaarada Mareykanka ee Bagdaad ayaa waxaa ku dhaawacmay sadex qof oo la sheegay in ay kamid yihiin shaqaalaha safaarada.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday dhismaha Safaarada Mareykanka ku leeyahay Bagdaad, waxa ayna dowlada Mareykanka ku tuhmeysaa weerarkan kooxo Ciraaqiyiin ah oo xiriir la leh dowlada Iran.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay Bagdaad, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal.

Dalka Ciraaq ayaa xiligan waxaa gudihiisa ku hardamaya dowladaha Mareykanka iyo Iran, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada u dhaxeysa labadan dowladood ee ciidankooda wada joogaan Ciraaq ay saameyso nabad galyada dalka Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo baaq kasoo saaray Khilaafaadka ka jira Puntland, Gedo iyo Hiiraan

Cabdi Cade

Amaro culus oo la dul dhigay Xildhibaanadii Puntland ee maanta xasaanada laga qaaday

Cabdi Cade

Daawo:-Qaabka ay u dhacday ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub & Madaxwayne Farmaajo oo shaqo loo qabtay !!

admin
Taboola Ads ---