Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaraya Madaxda Itoobiya, Somalia iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay inuu Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea kula kulmi doono magaalada Asmara dhowaan.

Abiy Ahmed oo hadalka ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka ayuu intaas ku daray in isaga iyo hogaamiyeyaashan ay ka wada hadli doonaan arrimo badan.

“Waxaan kula kulmi doonaa Asmara walaalahay, hogaamiyeyaasha Eriteria iyo Somalia, Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Max’ed C/llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan”.

Abiy Ahmed ma faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan labada madaxweyne ee Somalia iyo Eritrea balse, sadexda hogaamiye ayaa marar badan oo hore kulamo ku yeeshay magaalooyinka asmara iyo addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ku aaday dalka Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Maxaa ku qasbay Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia inuu been u sheego shacabka Soomaaliyeed?

admin

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---