Dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee xiligan ka taagan doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa guul dareestay ,kadib markii kooxda Ahlu Sunna la timid shuruudo fulinteeda ay adag yihiin.
Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka, Waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa la sheegay in ay la kulmeen hogaanka Ahlu Sunna, waxa ayna kala hadlayeen sidii ay u aqbali lahaayeen doorashada Madaxweynaha Galmudug .
Sida aan wararka ku helnay Hogaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa shuruudo adag ku xiray xubnaha ay la kulmeen, waxa ayna sheegeen in ay aqbalayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug hadii la tixgaliyo rabitaankooda.
Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa la sheegay in dowlada ka dalbaday in ay Ahlu Sunna siiso xilal katirsan maamulka Galmudug ay kamid yihiin Madaxa Xukuumada ama Madaxweyne kuxigeen sidoo kale la siiyo Wasiiro muhiim ah.
Waxaa sidoo kale Hogaamiyaha Ahlu Sunna ka dalbaday Dowlada federaalka in ay u saxiixdo Dhulka uu degan yahay ee Xero INJI oo ah dhul dowladu leedahay, waxa uu sidoo kale dalbaday in lagu qoro dhulka uu kuyaalo garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb.
Xubnaha dowlada ku matalayay wadahadalka ayaa la sheegay in aysan la dhicin dalabka Ahlu Sunna, waxaana la sheegay in hogaamka sare ay dalka markii loo gudbiyay dalabka Ahlu Sunna ay ku gacan seereen.
Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb, Xildhibaano iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa wada xalal kale ay ku doonayaan in looga gudbo caqabada hada ka taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Kooxda Ahlu Sunna ayaa caqabad weyn ku noqotay dhismaha maamul loo dhan yahay oo Galmudug yeelato, waxaana horey dowlada federaalka u fulisay kooxdan dalabyo badan ay kamid ahaayeen 20-Xildhibaan in la siiyo, Dhaqaale iyo waxyaabo kale oo badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com