Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Midowga Yurub ku lug leeyahay tacadiyada loo geysto tahriibayaasha Liibiya ku sugan?

Midawga Yurub ayaa lagu eedeeyey inuu kaalin ku leeyahay jirdilka iyo tacadiyada loo gaysto qaxootiga iyo dadka soo galootiga ah ee Liibiya ku sugan, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.

Midawga Yurub ayaa si joogto ah u taageeraya hab tacadi iyo ku takrifal ka abuuraya xeebaha Liibiya, arrintaas oo qayb ka ah dadaallada ay ku horjoogsanayaan qulqulka muhaajiriinta sida warbixinta Amnesty lagu sheegay.

Dhaqaalaha uu Midawga Yurub bixiyo ayaa gaaraya xukuumad la shaqaynaysa maleeshiyaad iyo dad dadka tahriibiya, sida warbixinta lagu sheegay.

Midawga Yurub ayaa maraakiib, tababar iyo kharashaad siiya ciidammada ilaalada xeebaha Liibiya oo ah marinka muhaajiriinta doonaya in ay Yurub gaaraan.

Dadka Talyaaniga gaaraya iyaga oo badaha sii maraya ayaa aad hoos ugu dhacay tan iyo markii uu Midawga Yurub billaabay in uu gacan qabto ilaalada xeebaha ee Liibiya.

Laakiin Amnesty waxay sheegtay in ilaalada xeebuhu ay la shaqaysanayaan burcad dambiile yaal ah oo gaystay tacadiyo kala duwan, iyadoo ay arrintaan ogyihiin masuuliyiin Midawga Yurub ka tirsan.

Waxay Amnesty ku eedaysay Midawga Yurub in qorsha uu uga hortagayo qaxootigu uu sababay in dad badan xabsi aan wakhti lahayn lagu hayo taasoo ah arin xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo

Cabdi Cade

Taliye Sambaloolshe oo dalab xasaasi ah hordhigay Ugaaska cusub ee Xawaadle

Caydiid Ali

Booliska DF oo ka warbixiyey falal amni daro oo ka dhacay Muqdisho iyo dhacdooyin kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---