Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo weji gabax kala kulmay kulankii danjiraha Maraykanka (Cadeyn)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa weji gabax kala kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia.

Danjire Donald Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madax ka tirsan Maamul goboleedyada Somalia oo halkaas siyaabo kala duwan u gaaray.

War Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo lagu faahfaahinayey kulamadaas ayaan marna lagu xusin in Axmed Madoobe uu yahay Madaxwaynaha Jubbaland, waxaana taas badalkeed loogu yeerey ”Hoggaamiyaha Jubbaland.”

Qoraalka Safaaradda ayaa si ka duwan Axmed Madoobe waxay madaxda kale ee Maamullada ku tilmaantay ”Madaxwanayaal.” waxayna dad badan arrintan u fasireen in Maraykanku uusan Axmed Madoobe u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jubbaland, kuna mowqif yahay dowlada Somalia oo iyadu kal hore deyrisay.

Axmed Madoobe oo sanadkii hore sheegay inuu ku guulaystey doorasho ay Kismaayo ku qabteen taageerayaashiisa ayaan wax aqoonsi ah ka helin DF Somalia iyo Beesha Caalamka, marka laga reebo dalka Kenya.

Hoos ka akhriso qoraalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Wadatashi ah oo Kismaayo uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in loogu deeqay 427 Milyan oo Dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---