Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni iyo danjire Ben fender oo ka wada hadlay afar qodob (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aas balaaran oo maanta loo sameeyay Taliyihii booliiska Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Aas Qaran oo Jigjiga loogu sameeyay Meydka abwaan Sangub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo labo arrin kala hadlay Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---