Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Donald Yamamoto (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalkaasi Safiirka dalka Maraykanka ee Soomaaliya
Ambassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda USAID.

Danjiraha dalka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Donald Yamamoto iyo saraakiisha wehelinaysey ayaa Madaxweyne Deni kusoo booqday rugta uu ka degan yahay magaalada Nairobi, waxaana ku wehelinaayey kulankaasi Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Amniga, si gaar ah la dagaalanka argagixisada, koboca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay Magatte Guisee (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo mar kale ku celiyay in la qabanayo Doorasho ku dhacda Xor iyo Xalaal

Cabdi Cade

QM oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ka dib laalidii go’aankii muddo kororsiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---