Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy oo dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Corruption and Land Grabs: The Widening Divide Between Somalia’s Oligarchs and the Poor

Caydiid Ali

Caalamka Islaamka Beri ma Ramadaan baa mise waa 30-ka bisha Shacbaan?

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---