Dowlada Somalia ayaa jawaab aan toos aheyn ka bixisay hadal shalay kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan oo ku saabsanaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay weydiisteen in ay sameeyaan sahan shidaal.
War lagu soo daabacay wakaaladda wararka SONNA waxa lagu sheegay in aanan weli la gaarin xiligii badda laga sahmin lahaa shidaal.
Wasiirka batroolka iyo macddanta, Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in aan la gaarin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo baahan yahay in la dhameystiro.
Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wax wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran.
Waxay arrintani kusoo beegmeysaa xilli madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu shaaca ka qaaday in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com