Maxkamad ku taalla dalka UK, ayaa xukun xabsi sidddeed bilood ah ku riday nin tima jare ah, kadib markii tinta ka xiiray wiil 10 sano jir ah, taasoo lagu sheegay inay aheyd ”ciqaab anshaxeed”
Abdul Rahim Omar, oo 21 jir ah, ayaa madaxa sakiin uga xiiray wiilka yar, waxaana kadib la arkay wiilkii oo madaxa hoos u laalaadinaya, halka ay saaxiibadiisna is-kugu soo xoomeen agtiisa iyagoo ku qoslaya, sida laga soo xigtay markhaatiga maxkamadda Luton Crowan.
Wiilka oo u dulqaadan waayay canbaareynta dadkii ka agdhawaa, ayaa wacay 911 oo ah nambarka talefoonka booliska.
Tima jaraha oo ku nool gobolka Bedfordshire ee bartamaha England, ayaa lagu soo oogay inuu dhaawac u gaystay madaxa cunuga.
Garsoore Richard Foster ayaa tilmaamay in ciqaabta tima jaruhu ahayd “mid lagu bad baadinayo sharafta wiilka yar,islamarkaana uusan jirin wax cudur daar ah oo ku saabsan xukunka dhacay.
Qareen Alex Radley, oo matala wiilka madaxa laga xiiray ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in wiilka yar loo gaystay dhaawac iskugu jira “jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray qareen Alex in wiilku uu ku faanayay inuu xiirto tintiisa oo uu dareemay inuu wax muhiim ah sameeyay.
Qareenka isna u doodayay tima jaraha Ahtik Raja ayaa sheegay in tima jaruhu ogaaday inuu sameeyay qalad aad halis u ah, balse uu isla markiiba uu qirtay dambigiisa kana xumaaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com