Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Faahfaahin: Dagaalo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Marko

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay saaka degan tahay ka dib weerarkii ay xalay ku soo qaadeen xoogaga Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa duleedka degmadaasi ka wada howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada oo mudooyinkan ka soo reynayey.

Guddoomiyaha degmada Marko ee Xarunta Gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii xalay halkaas ku dhexmarey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, isagoo xusay iney iska difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada xilliga la soo weerarayay ay ku jireen feejignaan, lagana war hayey weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Marka ee soo gaaray ciidamada dowlada iyo Al-shabaab, balse waxaa uu xusay in kooxihii weerarka soo qaaday la dabagalay, lagana fogeeyey magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si kulul uga hadashay afduub ay geysatay Jabhad Mucaarad ah

Caydiid Ali

Aqoon isweydaarsi ku saabsan Teknolojiyada casriga ah oo lagu qabtay Jaamacadda Benaadir

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal kasoo goostay Ciidanka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---