Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Madaxweynaha K/Galbeed oo la dardaarmay Boolis la geynayo Sh/hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan dardaaran ah la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu wado in dhowaan ay ka howl-galan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadaan oo tiro ahaa gaaraya 400 oo Askari ayaa ah kuwa ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, kuwaasoo lagu tababarey Xerada Tababarka ciidamada Jen. Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne laftagareen ku wehlinayey taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Xasan Maxamed Xijaar.

Laftagareen ayaa kula dardaarmey Ciidamadan booliska ah inay waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talo galay, isagoo u balan-qaaday in qalabkooda loo dhameystiri doono, lana siin doono xuquuqdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ka baaqday Shirka Golaha Guud Q/M iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Iran oo diyaarineysa weerar kale oo ka dhan ah Israel & Mareykanka oo..

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo kormeeray ciidanka Badda ee lagu tababaray Eritreya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---