Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo sheegay iney howlgal ku dileen toban ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandoska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa si wadajir ah howlgal uga fuliyey qeybo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Sida aan ku heleyno warka howlgalkan ayaa  si gaar ah uga dhacay deegaano howd ah oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen in ka badan 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanada Araare iyo Maleeleey oo muddo ay maamulayeen Al-Shabaab, isla markaana ay howlgalladaas ku soo qabteen qaraxyo u diyaarsanaa Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo Weerar gaadmo ah ku dilay 60 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Inta badan ciidankii maanta galay xarunta Baarlamanka Somalia oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---