Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal Ooge Mohammed Jabbateh oo lagu riday Xukun adag (Daawo Sawirro)

Maxkamad kutaala dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah waxa ay ku riday Dagaal Ooge Mohammed Jabbateh oo loo yaqaan (Jungle Jabbah), kadib markii lagu helay in uu ka qeyb qaatay dagaalkii Sukeeye ee ka dhacay dalka Liberia.

Maxkamada qaadeysay kiiska Dagaal Ooge Jungle Jabbah ayaa ugu dambeyn ku riday 30-sano oo xabsi ah kadib markii ninkan uu ka been sheegay dowrkii uu ku lahaa dagaalkii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay.

Jungle Jabbah ayaa sidoo kale lagu dacweeyay in 1990-yadii uu been u sheegay dowlada Mareykanka kana qariyay doorkii uu ku lahaa dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay dalka Liberia.

Qof Marqaati ah ayaa Maxkamada u sheegay in dagaal oogahan uu ahaa qof naxariis daran oo ku amray ciidankiisa in beerka laga soo saaro qof lasoo qabtay kadibna ciidanka loo kariyo si ay u cunaan beerka qofkaasi la dilay.

Dalka Liberia waxaa in ka badan 14-sano ka socday dagaalo sukeeye oo dhiig badan ku daateen, waxaana dadka lagu dilay dalkaasi intii dagaalka socday la sheegay in ay kor u dhaafayaan 250-kun oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal Mooto bajaaj oo lagu hor dilay mid ka mid ah saldhigyada Booliska Muqdisho

Caydiid Ali

Qeybtii labaad: Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacawday dalka Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---