Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga fal celiyay Warkii kasoo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga fal celiyay Wareysi uu bixiyay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo dhiibistii Qalbi dhagax dusha ka saaray Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan kaga hadlay Mr Warsame

Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi wuxuu ogolaaday in uu noqdo denbi qariye, eed ka roge iyo asture loo isticmaalay in uu eedda kiiska Qalbidhagax ka rogo madaxweyne Farmaajo kuna geddiyo Sanbalooshe. Waase isku day si farsamo liitada loo soo qorsheeyey, dhanka su’aasha loo dhigay iyo jawaabta uu Cabdi Xaashi bixiyey intaba.

Waraysiga Cabdi Xaashi waxaa lagu soo beegay maalmo yar ka dib waraysigii xanuunka badnaa, ee la ii sheegay in ay Villa Somalia, ka hurdi waysay ee uu bixiyey Qalbidhagax oo eed culus dusha ka saaray madaxweynaha.

Cabdi Xaashi wuxuu leeyahay Sanbalooshe ayaa marin habaabiyey madaxweynaha, haddii ay sidaa tahay muxuu madaxweynuhu xilka uga qaadi waayey Sanbalooshe oo xilka 3 oo kale sii hayey? Muxuuse madaxweynuhu u diidi waayey go’aanka ay xukuumaddiisu Qalbidhagax iyo ONLF ku sheegtay in ay argagexiso yihiin?

Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuuna ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed.

Sababta keli ah ee uu Sanbalooshe eedda u saarayana, waa ‘miskiin baa miska la fuulo leh’, maadaama uusan haatan xil haynin, sababtoo ah intii uu Sanbalooshe xilka hayey Cabdi Xaashi marna kiiska Qalbidhagax kama hadlin, horayna weligii ugama hadal. Haddii dhiibistii Qalbdhigax ee shalay ay marada ka ridday waddani N&N, maantana waxay marada ka riday waddanigii Kacaanka.

Soomaaliyeed iska jira kaligiis waddani iyo kaligiis Islaam.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tahriibayaal ku sii jeeday Yurub oo ku geeriyooday Badda Mediterranean

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden oo la filayo inuu qaado tallaabo ka carreysiin doonta Turkiga

Cabdi Cade

Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay gobolka Muslimiinta Ruushka ku badan yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---