Hogaamiyaha Kacaanka ururka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman Maxamed Cali Al-Xuuti kana tirsan shaqsiyaadkii aas-aasay Ururkaasi ayaa waxa uu taageero u muujiyay Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo ka soo horjeestay siyaadda Imaaraadka Carabta ee arimaha Soomaaliya.
“ Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u heyno walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale cambaareyneynaa ficil walbo oo Imaaradku ku hayo Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Al-xuuti.
Maxamed Al-xuuti ayaa sidoo kale hadalo adag u isticmaalay sida uu kaga soo horjeedo gabi ahaanba siyaasadda Imaaradka Carabta waxaana uu yiri” dhamaan Imaaradku waa in doqonimadoodu ay kala tagaan dalka Soomaaliya inteey goori goor tahay, waxeey cashir lama ilaawaan ah u dhigeen dowladda Mareykanka ee ku cibri qaata” sidaas ayuu ku yiri hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Maxamed Cali Al-Xuuti oo kamid ah madaxda Xuutiyiinta Yeman.
7 Abriil 2015-kii Dawladdii uu Hogaaminayay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xulufadeeda u ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman.
30 October 2016-kii waxaa gabi ahaanba la xiray safaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Sanca ee dalka Yeman kadib markii xuutiyiintu ay gacanta ku dhigeen inta badan Magaaladaasi, waxaana taageero loo muujinayay Dowladda sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan oo Imaaradka iyo sacuudigu ay taageerayaan.
W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com