Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo qirtay in askartiisa uu khasaare ka soo gaaray gantaalihii Iran

Mareykanka ayaa ugu dambeyn qirtay in weerarkii gantaalaha ahaa ee ay Iran ku qaaday dalka Ciraaq, ay kaga waxyeeloobeen qaar ka mid ah askartiisa ku sugan dalkaasi Ciraaq.

Sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo magacyadooda warbaahinta ka qariyay 11 askari oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ayey dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaas oo Iran ay ku beegsatay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Ciraaq.

Weerarkan ayaa Iran waxay ku sheegatay in ay ku dishay in ka badan 80 askari halka 100 kalena ay ku dhaawaceen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay u sheegay in ciidamada Mareykanku aysan wax khasaaro ah ka soo weerarkaas, balse ugu dambayn Mareykanka ayaa qirtay khasaare ka soo gaaray weerarkan oo jawaab u ahaa duqeyntii uu Maraykanku ku dilay Jen. Solaimani oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askari dil argagax lahaa ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Safaarada Dowlada Kenya ku laheyd Muqdisho oo dib loo furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiye Filish oo soo saaray amar ku socda Hotelada & Safaaradaha degan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---