Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Axmed Madoobe oo Qado sharaf loogu sameeyay Deegaan loo Dalxiis tago (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qado sharaf ugu sameeyay deegaan-dalxiiseedka Biyo Kulule,Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Goleyaasha Puntland iyo Jubaland, Maamulka Gobolka Bari, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Odeyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Culimo, Dhallinyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo shalay soo gaaray magaalada boosaaso ayaa la filayaa in kulamo siyaasadeed la yeesho Dhigiisa Puntland, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ay sameestaan isbaheysi ka dhan ah dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Cir iyo dhul ah oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo nolosha ku qabtay in ka badan 10-xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray Guuleed & danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---