Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Soomaali ah oo lagu dilay duleedka Magaalada Cape town (Magaciisa)

Koox hubeysan oo burcad ah ayaa waxay dalka Koonfur Afrika ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku ganacsada dalkaas, xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsiga.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Aweys Axmed ayaa xiliga la tooganayey waxaa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoos tagta Magaalada Cape town.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Burcad dilka geysatay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana meydka muwaadinka Soomaaliyeed muddo kooban kadib goobta ka qaaday Soomaali kale oo asxaab ahaayeen.

Sanadkii hore ee 2019 waxaa lagu diley dalka Koonfur Afrika dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah, kuwaasoo aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkooda, iyadoo dowlada wadankaas lagu dhaliilo ineysan talaabadii ku habooneyd ka qaadin burcada dilka geysaneysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo War culus ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb 3 (Akhriso)

Caydiid Ali

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo si caro leh uga hadlay go’aankii kasoo yeeray Dowladda Keny (Daawo Muuqaal)

admin

Golaha wasiirada oo War kulul ka soo saaray weerarkii xafiiska RW Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---