Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiirkii labaad oo 24 saac gudahood iska casilay Xukuumada Soomaaliya

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug sidaas awgeedna uu isku casilay.

Musharax Cabdullaahi Faarax Ra’isul wasaare Kheyre iyo saaxiibadiisii Xukuumadda uga mahadceliyey wada shaqeyntii dhexmartay intii ay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb ku sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee 24 saac gudahood iska casila xukuumada RW Khayre shalay ayeyna aheyd markii Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay ka dib markii uu ka mid noqday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golihii deegaanka Degmada Xudur oo hal Sabab darteed loo kala diray

Cabdi Cade

Arrin cusub oo beryahan ku soo korortay degmada Hobyo & Wasiir Fiqi oo ka digay

Caydiid Ali

Akhriso: Qaar ka mid ah qisooyinka guusha ee dadka uu u gefey Trump (Daawo Sawirro)

admin
Taboola Ads ---