Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Baarlamanka Galmudug oo Maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta Guddoonka

Xildhibaannada cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood ayaa shalay la gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada ka dib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Saddex ka mid ah todobada musharax ayaa waxaa ay u taagan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Berri oo taariikhdu tahay 17-ka January kuna began maalin Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug sida ay horey u shaaciyeen guddiga doorashada gudoonka Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka Qaranka 17-jirada Somalia oo guuldaro kala kulmay Ciyaartii Algeria (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashaqo naxdin leh oo caawa ka dhacday Dhuusamareeb & dad ku naf waayey

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo dil & dhaawac u geystay dad shacab ah ka dib qarax lala beegsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---