Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa lagu magacaabay lix Gudoomiye Waaxeed ay yeelaneyso Deegaanka Beesha Garasbaaley.
Deegaanka beesha Garasbaaley ayaan kamid aheyn Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana maamulka gobolka Banaadir ugu magacaabanyahay Deegaankan mid Beeleed, waxa uuna leeyahay deegaankan Gudoomiye iyo kuxigeeno.
Waxaa marar badan fashilmay isku dayo lagu doonayay in Deegaankan oo horey uga tirsanaa Degmooyinka Dayniile iyo Kaxda looga dhigo degmo, waxaana wali jira siyaasiyiin dadaal ku bixinaya sidii deegaankan looga dhigi lahaa degmo katirsan gobolka Banaadir.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com