Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Maxkamadda Derajada 1-aad ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis iyo Xil-kaqaadis Ku Sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Boosaaso: 12 January 2020 : Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.10 January 12, 2020 kusoo saaray magacaabis iyo xil-kaqaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

2. Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

3. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah:

3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye
3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo Digniin Adag hawada u mariyay Dadka Xiriirka Ganacsi la leh dalka ….

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca oo sheegay in Dilka Cabdulaahi Nadiir loogu aarayay Farxaan Qaroole iyo..

Cabdi Cade

Senator Ilhaan Cumar oo xiriir la sameysatay nin Caddaan ah oo xaas leh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---