Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis cusub (Sawirro)

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axad ah ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalxiisayaal Ajnabi ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Galmudug oo ku sii dhowaanaya degmada Guriceel iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---