Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaare Scott Morrison oo qirtay arrin muddo badan lagu eedeynayey

Ra’isul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa qirtay inuu qaldanaa qaabkii loo maareeyay dabkii ka kacay dalkaas oo weli loo maaro la yahay.

Morrison ayaa cambaareyn kala kulmayay bulshada Australia isagoo lagu eedeeyay qaabka ay dowladiisa u maareysay dabka ka kacay qeybo ka mid ah dalkaas iyo siyaasaddiisa isbeddelka cimilada.

“Waxaa jiray waxyaabo aan si wanaagsan wax uga qaban karay balse aan ka gaabiyey” ayuu yiri Mr Morrison oo warbaahinta la hadlay maanta.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulmay shacabka Australia xilli uu booqanayay gobollada ugu daran ee uu dabku ka kacay ee New South Wales iyo Victoria.

Tan iyo bishii September, dab ka kacay Australia ayaa dilay ugu yaraan 28 qof isagoo kumannaan guryo ahna burburiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Dowlad Weyn oo Qunsul Sharafeed u fadhiya Somalia u magacawday Ganacsade Ismaaciil Gooni (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Daah furay Howgelinta xarun nuuceeda aan horey uga jirin dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---