Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo maanta lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose lagu soo bandhigay sargaal la sheegay in uu horey uga tirsanaa Ururka Al Shabaab balse markii dambe kasoo goostay iskuna soo dhiibay ciidanka dowlada.

Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan CaliĀ  ayaa Warbaahinta u sheegay in Baraawe kusoo dhaweeyeen Sargaal uu sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in sargaalkan dhibaato badan kala soo kulmay Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Al Shabaab sargaalkan ka shakiyeen sidaasna uga soo cararay, waxa uuna sheegay in ay soo dhaweenayaan saraakiisha iyo dagaalyahanada kale ee kasoo baxeysa Al Shabaab.

Sargaalka lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Maxamed Axmed MaadeeyĀ  ayaa Warbaahinta u sheegay in Al Shabaab uu katirsanaa mudo 7-sano ah uuna hada kasoo goostay kadib xiriir uu lasoo sameeyay abtigiis oo dowlada katirsan.

Ninkan ayaa sheegay in Al Shabaab dhibaato badan ku hayaan shacabka, waxa uuna ugu baaqay dagaalyahanada iyo dadka kale ee katirsan Al Shabaab in ay kasoo baxaan iskuna soo dhiibana dowlada.

Al Shabaab ayaan ka hadlin sargaalkan la sheegay in uu kasoo goostay kuna biiray dowlada, loogamana baran Al Shabaab inta badan in ay ka hadlaan xubnaha iyaga ka goosta ee lasoo bandhigo.

Related posts

Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo sheegay in Somalia uu ka jiro musuq-maasuq

Caydiid Ali

Duqa Garoowe & wefdi uu horkacayo oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Nederlands (Sawirro)

admin

Ruushka oo duqeyntii ugu xumeyd mudooyinkan ku ekeeyey dalka Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---