Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ku doorteen Gudoomiye si KMG ah u gudoomin doona Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ahaa qofka ugu da’da weyn Baarlamaanka cusub ayaa loo doortay in uu Gudoomiye KMG ah usii noqdo Baarlamaanka inta ay kasoo dooranayaan Gudoomiye iyo kuxigeenadiisa.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Baarlamaanka Galmudug iska dhax doortaan Guddi qaban qaabiya doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo la filayo in maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa hada maraya heer gabo gabo ah, waxaana la filayaa in xildhibaanada marka ay soo doortaan gudoonka Baarlamaanka kadib ay hadana doortaa Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Related posts

Ruushka oo gantaalo ku weeraray Mucaaradka Siiriya

Caydiid Ali

(Sawirro) Muuse Biixi oo qaabilay Orodyahanada Mo Farah & Nageeye oo gaaray Hargeysa

Caydiid Ali

Hantida Trump iyo Wiilashiisa ee New York oo la xayiray kaddib Dambiyo lagu helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---