Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ms. Tsai Ing-wen oo markii labaad ku guuleysatay doorasho Madaxweyne

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xiriirka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha.

Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad uga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu.

Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xiriir lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas.

Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda xoog ku soo ceshan doono.

Natiijada doorashada ayaa la sheegay iney dharbaaxo weyn ku tahay Xukuumada Beijing. Damaceeda ah midow Shiinuhu la yeesho Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Talisyada Milatariga iyo NISA oo la sheegay in ay isku milmeen iyo Walaac laga muujiyay 

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Soomaalidii dhowaan lagu xirxiray dalka Zambia

Caydiid Ali

Shacab careysan oo qabtay dabley ka tirsan Al-Shabaab oo dil ka geysatay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---