Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Galmudug oo la dhaariyey (Sawirro)

Inta badan xildhibanada cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Xildhibaanadda Galmudug oo tiradoodu tahay 89 Xubnood ayaa waxaa la shaaciyay shalay 83 ka mid ah, waxaan wali dhiman 6 xubnood kuwaasoo oo aan wali magacyadooda lasoo gudbin Dadka kusoo baxay.

Xildhibaanada cusub ayaa lagu wadaa iney hoggaan KMG u doortaan ninka ugu da’da weyn inta laga dooranayo Gudoonka rasmiga ah ee Baarlamaanka Galmudug.

Masuuliyiinta ku soo baxa Guddoonka Barlamaanka oo kala ah Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa iyaguna diyaarin doonna Doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sida qorshuhu.

Dowlada Somalia ayaa dedaal adag ku bixisay dhismaha maamulka cusub ee Galmudug oo haatan soo gaaray heer gebogebo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah laga faafiyay bangiyada dalka.

Cabdi Cade

Madaxweyne dalkii & dadkiiba waad isku wada qataartay, qori dab-lehna isugu dhiibtay!

Caydiid Ali

Dowladda oo dedaal ku bixineysa badbaadinta dhallinyaro dil ku xukuman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---