Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Daacish oo ka hadahay dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qaasim Sulemani

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maalmo kahor duqeyn ku dilay Jeneraal Qaasim Sulemani oo ahaa taliyihii ciidamada gaarka Qudus ee Kacaanka Iiraan u qaabilsanaa howlgalada dibadda.

Dilka Jeneraalkan awooda badan ku dhax lahaa Iiraan aadna looga jeclaa ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxa uuna dilka sargaalkan uu abuuray xiisad dagaal oo u dhaxeysa dowladaha Iiran iyo Mareykanka.

Kooxda khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ku faraxday ayna soo dhaweenayaan dilkii magaalada Bagdaad loogu geestay Jeneraal Qaasim Sulemani.

Warka ay soo saartay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in dilka Jeneraal Qaasim uu faa’iido u yahay kooxaha jihaaddoonka ah  ,waxa ayna Daacish sheegtay in Jeneraal Qaasim iyo saraakiil kale ku baxeen gacanta xulufadooda.

Waxa ay kooxda Daacish sheegtay in cadowgooda ay isku jeedsadeen oo ay dagaalamayaan taasi oo tabartooda sare u qaadaysa islamarakana ugu dambeyntii ay ka faai’idi doonaan.

Ciidamada uu taliyaha u ahaa Jeneraal Qaasim iyo maleeshiyaad ay taageeraan ayaa dagaal kula jiray kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Madaxtooyada oo si rasmi ah u shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Musharax Mustaf Dhuxulow oo si Kulul u weeraray Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay Colaada Sudan oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---