Toddobaadkii dhawaa Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa shaaciyay in dowlad shisheeye ay ka dambaysay xasuuqii Ex-Kontarool Afgooye ee December 28, 2019. Walow, muddo laba maalmood ah Al Shabaab ay ku dhiciweyday inay sheegato masuuliyadda xasuuqa, haddana warbixintii hor u dhaca ahayd ee NISA waxaa ka dhashay dood kulul oo u baahan in xagallo kala duwan laga eego xaqiiqda.
Hay’adda waxay ka gaabsatay faafaahinta dowladdii ka dambaysay falka wuxushnimo, balse Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa shaki ka muujisay warbixinta, taas oo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen. Siyaasiyiintu waxay ka codsadeen xukuumadda inay u soo bandhigto dadweynaha caddeynta baarista.
Dad badan ayaa dareensan, inay hay’adda NISA lehayn awood aqoon iyo khibrad oo ay ku kala soocdo farsamada waxyaabaha qarxa ee ay adeegsadaan argaggixisada.
Agaasimihii hore ee NISA – Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe ayaa qoraal uu la wadaagay warbaahinta ku yiri, “Awood uma lihin inaan qiimeyno caddeynta, si aan uga faa’iideysanno sirdoonka oo aan u dhisno dacwad ka dhan ah kuwa falka masuulka ka ah.” Mudane Sanbalooshe qoraalkiisii wuxuu ku xusay, “[Soomaaliya] waxay u baahan tahay khibrad, qalab ka maqan, iyo qaab cusub oo iskaashi dhexmara adeegyada amniga Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.” Intaas wuxuu raaciyay “Mar dambe kama bixi karno in baaritaannadayada iyo falanqayntayada sirdoon aanu u gudbinno qandaraasleyaasha ujeeddadoodu faa’iido doonka tahay” (New York Times – 26/10/2017).
Hay’adda Aktis Strategy oo ay aasaaseen saraakiil ka tirsanaan jiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska, ayaa 2013kii qandaraas lagu siiyay inay Soomaalida (koonfur iyo waqooyiba) u tababarto sida looga hortago falalka argaggixisada. Nasiib darro, Aktis Strategy oo horey ugu fashilantay hawl qabadkeedii Tunis ayaa hanti dhan 1 bilyan Pound lagu siiyay mashuucda amniga, balse iyadoo aan hal maalin tababar qaban, xarun qurux badanse ka dhistay Xalane ayay iskaga carartay Soomaaliya.
Khubarada siyaasadda ayaa rumeysan in welwelka Madasha Xisbiyada Qaranka garowsi lahaan lahayd haddii la horgeyn lahaa Baarlamaanka, si loo hubiyo suubbanaanta warbixinta, amase siyaasiyiintu ka dhursugi lahaayeen natiijada baarista fal dambiyeedka.
Inkastoo aysan muuqan sabab loo abuuro shaki, haddana jahawareer waxaa dhaliyay in NISA ay Twitter ku shaacisay hordhaca baaristeedii xilli wargeyska “Ahval News” uu qorayo in masiibadii Ex-Kontrool Afgooye ay ka dambeysay Imaaraadka. Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo La-taliye u ahaan jiray Madaxweyne Farmaajo ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta ku naqdiyay NISA in laga habboonaa habka ay u soo bandhigtay macluumaadka baaritaan aan weli gaarin natiijo kama dambeys ah .
Sarkaal amniga ka tirsanaan jiray oo ka dhowrsaday inuu shaaciyo magaciisa ayaa sheegaya in “hay’addu heshay aqoon xirfad iyo tababar aan la barbardhigi karin xilligii Sanbolooshe amase Jeneraal Caballe.” Intaas wuxuu raaciyay “inaysan u suurtaggeli lahayn in NISA qabto dhagar qabihii Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa macallin jaamacad, xagjirtana u qaabbilsanaa hawgallada magaalada Muqdisho. Waayo si loo horgeeyo caddaaladda waxay hay’adda uruurisay in muddo ah caddeymo (evidence), iyadoo aan ka baqayn in lala baxsado (la sheego).”
Haddii maanta lagu jahawareersan yahay ciddii ka dambaysay masiibada, waxaa marag maddoonta ah inay NISA masuul ka tahay xaaladdaas oo ay u dhaqantay si aan u qalmin culayska iyo muhiimadda ay leedahay hawsha loo xilsaaray (Unprofessional), Xukuumadda ay u adeegaysana gelisay mawqif aad u foolxun. Hay’adda iyo madaxdeedaba waxay mudan yihiin in lala xisaabtamo, Xukuumadduna waxaa looga baahan yahay inay jahawareerka ka jawaabto oo shacbiga iyo mucaaradkaba qanciso.
Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed waxay rumeysan yihiin in gacmo aan muuqan ay ka dambeyaan argaggixisada dalka. Haddaba, su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah: Maxaa ku khasbay Al Shabaab inay sheegato xasuuq shacbi, iyadoo aan hore (2017, 2009 iwm) looga baran inay sheegto masiibo intaas le’eg?
Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in sababta ku kalliftay Al Shabaab inay dusha u ritaan masuuliyaddii, ay astaan u tahay ciyaarta Soomaaliya oo isbeddeshay. Walow aan lahayn xaqiiqdii, haddana waxaa la tuhunsan yahay in afhayeenka (Cali Dheere) uu ku sugan yahay asagoo dhaawac ah, dalka dibeddiisa laguna riday mowqifkan xarajka ah.
Shaki kuma jiro, si loo fahmo xaaladda qaraxyada Soomaaliya in loo baahan yahay macluumaad fara badan. Nathan Paul, oo ah suxufi baara khatarta amniga aan caadiga ahayn, ayaa qoraal uu ku soo bandhigay “Global Risk Insights,” ku yiri, “Carqaladeynta xaaladda jilicsan ee xasilloonida oo ay Soomaaliya si tartiib tartiib ah uga shaqeyneyso waxba uma tareyso himilada Imaaraadka ku dooneyo in loo arko inay tahay mid muhiim u ah nabadda gobolka.”
Intaas wuxuu raaciyay qoraaga in “Sidoo kale waxaa la mid ah, dafiraadda Imaaraadka qaadista masuuliyadda doorkeeda ku aaddan maalgelinta argaggixisada dalka [Soomaaliya]” (Global Risk Insights).
Xaqiiqda na hortaal ayaa ah, in qaar ka mid ah awoodaha shisheeye oo ku tartamaya khayraadka gobolka, gaar ahaan Soomaaliya ay ku lug leeyihiin xisillooni darrada siyaasadda iyo amni la’aanta dalka. Haddaba, maanta oo ay muuqato in gobolka Bariga Dhexe jahwareer hore leh uu wajahay, waxaa muhiim ah in la isweydiiyo maxaa dalka iyo dadka u dhan ah? Goormaase qeyladhaanta run loo qaadan doonaa!
W/Q abdulqaadir Cariif Qassim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com