Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dowlada Somalia oo ciidamo gaar ah ka dejisay Baardheere & Xog ku aadan ujeedkooda

Dayuurad gaar ah oo siday ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa galabta ka degtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Qorrax ayaa xaqiijiyey ciidadan gaaray degmadiisa.

“Waxaa galabta Baardheere timid dayuurad siday ciidamo aan la aqoon oo si ba’an u hubeysan, wejigana soo qarsaday” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 50 askari oo ka duulay magaalada Muqdisho ayay wararka qaarkood sheegayaan iney wadaan qorshe ay ku soo xirayaan gudoomiyaha degmada Baardheere iyo gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socda loolan dhinaca awooda iyo maamulka ah oo u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamulka Jubballand, iyadoo gudoomiyeyaashii Jubbaland u magacowday degmooyinka Luuq, Belad-xaawo iyo Doolow ay u goosteen dhinaca dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo dalab Muhiim ah hordhigay danjire Carlo Campanile

Caydiid Ali

Turkiga oo loogu baaqay in dib u eegis ku sameeyo Ciidanka uu u tababaro Soomaaliya

Cabdi Cade

Taliska ciidanka Booliska oo War ka soo saaray dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---