Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Howlgal ay ciidanka Jubbaland ka sameeyeen degaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa saraakiisha hogaamineysa waxay sheegeen inay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Abaanduullaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminayey ciidanka howlgalka sameeyey ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka iyo guusha ay gaareen ciidanka Jubbaland, isagoo sheegay in howlgalku ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Cabdalla Biroole, balse ciidanka oo helay xogta ay weerar ku qaadeen degaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

“Waxaan howlgalka ku dilnay 3 dagaalame, waxaana nolol ku soo qabanay mid kale oo  ka tirsan Al-shabaab, iyo hub kala duwan waana sii wadeynaa ilaa ka cirintirno kooxaha nabadiidka” ayuu yiri Abaanduullaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Farmaajo iyo waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ka carootay sida Booliiska ula dhaqmeen banaan baxayaasha Minneapolis

Cabdi Cade

Jeneraal sheegay in Al Shabaab laga dhax helayo Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---