Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Xarunta Degmada Howl-Wadaag oo si qurux badan loo dhisay xarigana laga jaray

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dhis balaaran ku sameeyay Xarunta Degmada Howl-wadaag oo bur bur xoogan uu kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo Al Shabaab ku qaadeen 2 September ee sanadkii  2018-kii.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta Degmada Howl-Wadaag oo dib u dhis Casri ah lagu sameeyay.

Xarunta degmada ayaa bur bur xoogan uu kasoo gaaray qaraxa, waxaana dib u dhis qurux badan ku sameeyay maamulka gobolka uu hogaaminayay Ilaah ha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho Eng.  Yariisow oo dhintay iyada oon dhismaha xarunta la dhameyn.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir oo Al Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen, waxaana horey xariga looga jaray xarumo sidan oo kale dib u dhis loogu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Muslim ah oo sabab yaab leh loogu dilay Gobolka Madhya Pradesh

Caydiid Ali

Nin si arxan daro ah Muqdisho ugu dilay Labo caruur ah oo Xaaskiiisa dhashay

Cabdi Cade

Rag laga dilay Al-Shabaab & hubkooda oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---