Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw weerar qaraxyo ku bilowday Al Shabaab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Deegaanka Mukayga oo ciidamada dowlada ku leeyihiin bar Koontarool, waxaana kolonyada gaadiidka ay wateen ciidanka milatariga lala beegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah.

Labada dhinac ayaa la sheegay in uu dhax maray iska hor imaad xoogan oo daqiiqado kooban socday, waxaana markii dambe la sheegay in dagaalka si iskiis ah u joogsaday kadib markii dagaalyahanadii weerarka soo qaaday ay dib u gurteen.

Sargaal katirsan ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka kedis ah ay Al Shabaab kusoo qaadeen ciidanka dowlada, waxa uuna sargaalkan sheegay in khasaaro gaarsiiyeen ragii weerarka kusoo qaaday.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan goordhaw ka dhacay duleedka degmada Afgooye , waxaana weerarkan uu mudo kooban hakad galiyay isku socodka qeybo kamid ah degmada Afgooye iyo duleedkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar lagu qaaday baskii ay saarnaayeen Ciyaartoyda Koonfur Galbeed iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay Shariif Xasan & Waare halka Axmed Madoobe uu…

Cabdi Cade

Wasiir sheegay in Madaxweyne Xaaf oo ku go’doonsan yahay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---