Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo kasoo horjeestay Xeer ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu kasoo horjeedo Xeerka iyo sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu qeyb ka aheyn xeerka batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxa uuna sheegay in hada kadib aysan ka aamusi karin qaladaad uu sheegay in ay socdaan.

Saciid Deni ayaa amaanay Xildhibaanada qalka sare ku matala Puntland uu sheegay in ay isaga baxeen shirka Xildhibaanada Aqalka sare ku ansixinayeen xeerkan kadib markii ay arkeen  in la baal maray habraaca lagu ansixinayay xeerkaas sida uu tilmaamay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadatashi  dhab ah laga yeesho sharciyada masiiriga ah sida dastuurka dhigayo, waxa uuna cadeeyay in shirkii Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada u bur buray wadatashi la’aanta.

Maamulka Puntland ayaan ku qanacsaneyn xeerka Sharciga batroolka ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, lamana oga diidmada Puntland saameynta ay ku yeelan karto xeerkan la ansixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka kubada cagta Somalia oo galabta ka haray Isreeb-reebka Koobka Adduunka

Caydiid Ali

Ciidanka gaarka ah ee PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Madaale oo kormeeray Mashaariic ka socota Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---