Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump: “Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerar gantaallo ay ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo wax khasaare nafeed ah aysan ka dhalan.

“Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman.

Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub.

“Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri.

Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.

Xigasho; VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo bishan Febraayo dakhli badan ay heli jirtay weysay iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo faahfaahin ka bixinaya 5 qodob oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---