Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey shir-weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasoo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka.
Waxaa Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, sidii ay isku dhaafsan lahaayeen khibradaha, tababarada dhanka ciidanka iyo arrimo kale.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria ayaa kulmo gooni gooni ah la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee AFRICOM.
Madaxda labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka, xoojinta Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee labada dal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com