Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxii ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Waxaa barqadii maanta qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Koontarool kuyaala meel ku dhaw Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxa uuna qaraxa ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee yaala Isgooska Sayidka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay taagnaayeen gaadiid sugayay in la hubiyo in ay wadad uga gudbaan, waxaana gaadiidkaasi qaarkood la sheegay in ay la socdeen shaqaale dowladeed.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ka dhacay Isgooska Sayidka, lamana oga ilaa hada khasaaraha dhabta ah ee qaraxaan ka dhashay, mana jiro wax war ah dowlada kasoo saartay qaraxan.

Qaraxa ayaa sababay in ay gubtaan qaar kamid ah gaadiidkii wadada taagnaa iyo kuwa marayay, waxaa sidoo kale qaraxa waxyeelo gaarsiiyay xarumo ganacsi iyo guryo ku yaala halka uu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Weerarkii Kismaayo, amar deg deg ahna ku bixiyey..

Caydiid Ali

Xildhibaano Mareykan ah oo ku baaqay in Dowlad loo aqoonsado Kooxda Iska-caabinta Taalibaan

Cabdi Cade

Diyaarada Itoobiya Airlines oo mamnuucday bac si weyn looga isticmaalo Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---