Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka, waxaana qaraxan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro iyo qaac madow , waxaana goobtaasi si deg deg ah u gaaray  ciidamada dowlada iyo sidoo kale  gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Warar horu dhac ah ana heleyno ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay koontarool ku dhaw Isgooska Sayidka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada, lama oga ilaa hada khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Qodobo lagu yareyn karo saameynta abaaraha Somalia ku soo laalaabta oo la soo saaray

Caydiid Ali

Farmaajo oo Dacwad ka Gudbiyay Madaxda Jubbaland iyo Puntland & Beesha Caalamka oo…

Cabdi Cade

Boqor Charles oo ka hadlay rabshadaha Isir naceybka ee UK ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---